Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan 9-ka xubnood ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii November isbeddel ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo kala diray xubnihii hore islamarkaana magacaabay kuwa cusub.

Xubnaha Golaha hore ayaa waxaa ku jiray afar qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo hadda lagu beddelay Soomaali, waxaana sagaalka xubnood ee golaha ay dhammaantood iminka ka kooban yihiin Soomaali. 

Hase yeeshee, wixii ka dambeeyey markii golaha lagu dhowaaqay, waxaa faafay warar aan sal laheyn oo ku saabsan in beelo gaar ah ay u badan yihiin golaha, gaar ahaan beesha madaxweynaha. 

Sidaa darteed, Caasimada Online ayaa baaritaan ay sameysay ku ogaatay in golaha lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5, islamarkaana aanay jirin qabiilo si gaar ah xubno looga soo xulay. Beelaha Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ayaa la siiyey min laba xubnood, halka beesha shanaad la siiyey hal xubin. 

Haddaba hoos ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha golaha.

1- Dr. Xasan Aadan Hoosow, La-taliye sare ee madaxweynaha, ahna agaasimaha Guud (Leysaan, Digil iyo Mirifle)
2- Dr. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, (Murusade, Hawiye)
3- Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin (Shanta Caleemo, Digil iyo Mirifle)
4- Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin (Majeerteen, Darood)
5- Dr. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin (Biyomaal, Dir)
6- Dr. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin (Surre, Dir)
7- Adam Xuseen Rooble, Xubin (Abgaal, Hawiye)
8- Drs. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin (Banaadiri)
9- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin (Majeerteen, Daarood)

Waxaa sidoo kale xusid mudan in lix ka mid ah sagaalka xubnood ee golaha ay haystaan shahaadada PhD, oo caddeyn u ah in aqoon ay ku yimaadeen, aanu madaxweynaha iska soo xulan dad uu si gaar ah u rabo.