Wasiirka Gaashaandhiga oo boggaadiyey tallaabo ay qaadeen Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay kulankii ay xalay yeesheen Golaha Wasiirada, isaga oo boggaadiyey tallaabada ay qaadeen Goluhu.

Wasiir Jaamac ayaa marka hore soo dhoweeyey go’aanka Golaha Wasiirada ee ay ku ansixiyeem heshiisyo dhanka milatari oo ay wasaaraddiisu lasoo gaashay dalalka Suudaan iyo Uganda oo dhowaan ku tegay booqashooyin kala duwan, xilli dalka uu ku jiro dagaal.

“Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo caawa meelmariyay heshiisyo  isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca  oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horgeysay golaha sharafta leh” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in heshiisyada la meel mariyey oo lasii marin doono Baarlamaanka ay muhiim u yihiin Soomaaliya, islamarkaana laga faa’idi doono.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay ka go’an tahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda. Waxaa naga go’an dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa dhamaantood ku aadan is-kaashiga dhanka Gaashaandhigga, waxaana wasaaraddu ay shaacisay in la waafajiyey dastuurka iyo sharuucda dalka.