Al-Shabaab oo beddeshay xeeladdii dagaalka, billowday qorshe cusub oo yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa beddeshay xeeladdeeda dagaalka, xilli dhul badan ay ku lumisay gacanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira ayaga oo gacan ka helaya shacabka.

Al-Shabaab ayaa hadda dib ugu laabtay xeelad ay horey u adeegsan jirtay, taasi oo falanqeeyayaasha amni ay rumeysan yihiin inay caddeyn u tahay in kooxda ay ku qiraneyso inaysan diyaar u aheyn isku dhac iyo dagaal dhimasho badan.

Xeeladda ay Al-Shabaab dib ugu laabatay ayaa ah inay dadka deegaanka ku qasabto inay ka baxaan magaalooyinka kahor inta aysan soo gelin cidamada dowladda, taasi oo ay sameysay kahor inta aan la qabsan deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.

Xeeladdan, oo hadda kahor ay Al-Shabaab ka fulisay magaalada Ceel-buur, ayaa lagu macneeyey dadaal looga hortagayo xiriir dhex-mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadkaku sugan deegaanada ay qabsaneyso.

Al-Shabaab ayaa xagjiriin ka dhigta shacabka deegaanada ay qabsadaan ayada oo sanado badan gelineysa waqti iyo dhaqaale u muuqda in lagu caawinayo, mana dooneyso in dowladda ay maskaxdooda beddesho.

Ayada oo shacabka ka saareysa deegaanada, ciidamada dowladda ayaa noqonaya kuwa niyadjabsan kadibna dib uga baxaya magaalooyinka ay xorreeyaan, taasi oo mintidiinta u ogolaaneysa inay kusoo laabtaan.

Al-Shabaab ayaa dhowaan dib ula wareegtay Wabxo maalmo un kadib markii ay gacanteeda ka baxday oo ay qabsadeen ciidamada xoogga dalka. 

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Axaddii sheegay in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare.

Ciidamada dowladda ayaa toddobaadyadii tegay faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhammaad laheyn.