Gaadiid dagaal iyo ciidamo ku biiray dagaalka Galmudug iyo Puntland

Gaalkacyo (Caasimda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Puntland iyo Galmudug kaasi oo hadda ka socda dhinaca Koonfur Galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa hadda sii xoogeystay waxaana lasoo dheegayaa in labada dhinac ay soo kala gaaren ciidamo gurmad ah oo si rasmi ah ugu biiray dagaalka socda.

Mid kamid ah Saraakiisha maamulka Puntland ee dagaalka hogaamineysa ayaa shabakada caasimada online u xaqiijiyay in dagaalka uu yahay mid marba dhinac u xoogeysanaaya.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in labada ciidan ay soo kala gaaren gurmad, waxa uuna tilmaamay in hadda khasaaraha uu maraayo dhimashada 8 kamid ah ciidamada labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhintay ilaa 4 ruux oo shacab ah kuwaasi oo qax ka ahaa dagaalka.

Dhaawaca ayuu sheegay inuu kor u dhaafaayo ilaa 11 kuwaasi oo iyana u badan ciidamada labada dhinac.

Sargaalkaani waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay Hoobiyayaal ku garaacayaan qeybaha ay degan yihiin dadka shacabka ah, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada Puntland ay ku uruuren difaac.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay inay adag tahay in la kala dhexgalo labada ciidan, hayeeshee ay dhowr jeer isku dayaan hakinta dagaalka balse aysan u saamixin.

Caasimda Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com