Dagaalka u Puntland iyo Galmudug oo sii xoogeystay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu goordhow ka qarxay Duleedka Galbeed ee Gaalkacyo gaar ahaana halka loo yaqaan Xurfada oo ku taal Xaafada Garsoor ee Gaalkacyo.

Dagaalka oo weli socda ayaa waxaa leysu adeegsanayaa Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana dagaalkaasi lagu riixay ciidamada maamulka Galmudug, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa leysu adeegsanayaa qoryaha waaweyn waxa uuna Hubka qaar u gudbayaa xaafadaha qaar.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay ciidamo kala taabacsan labada dhinac iyo dad shacab ah, waxa uuna khasaaraha ugu badan uu yahay mid soo gaaray dadka deegaanka ku ah labada dhinac oo ay ka kala dagaalamayaan ciidamada labada maamul.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa dad shacab ah kuwaasi oo ka qaxaayay Hubka ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Galmudug ayaa Dagaalka ka sheegatay guul, halka Puntland ay iyana ka sheeganeyso in dagaalka ay ku dishay Saraakiil hogaamineysay dagaalka.

Dagaalka ayaa weli ah mid socda waxaana la sheegayaa in Gurmad uu soo kala gaarayo labada dhinac.

Xalada ayaa ah mid kacsan waxaana suuragal ah in dagaalka uu sii xoogeysto.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com