Dagaal aad u qaraaran oo ka socda magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa uu iminka ka socdaa Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka oo Hub culus leysu adeegsanaayo ayaa waxa uu bilowday ka gadaal markii ciidamada Puntland ay weerar gaadmo ah ku qaaden cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Galmudug.

Ciidamada Puntland ayaa Hubka culus ku tuuraaya qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug, waxaana la soo sheegayaa in dagaalka uu yahay mid aad u xoogan.

Maamulada Galmudug iyo Puntland wali kama aysan hadal dagaalka waxaana la tilmaamayaa in halkaasi ay ka socdaan barakacyo.

La soco wararkeena danbe wixii kusoo kordha dagaalka socda

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com