Masayr labaad: Xasan Sheekh oo Jabriil uga daba maraya Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu socdaal deg deg ah ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Socdaalka Xasan Sheekh, ayaa ah socdaal masayr ama hinaase ah oo ka dhashay socdaal uu shalay Garoowe ku tagay musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo loo badinayo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ka cabsi qaba in Jabriil uu hantiyo taageerada Puntland oo muhiim u ah doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii Jabriil uu helay taageerada maamulka Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Xasan Sheekh uu sidoo kale horraantii toddobaadkan socdaal kale oo masayr ah ku tagay magaalada Baydhaba, kadib marii uu Jabriil halkaas booqday.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ah musharaxa uu Xasan sida aadka ah uga baqayo inuu kursigiisa la wareego, kadib markii ay soo baxday in Jabriil uu dhinacyo badan taageero ka haysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com