Magacyada siyaasiyiinta ugu caansan Puntland ee u taagan aqalka sare

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in liiska xubnaha Puntland u soo sharaxday Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay ku jiraan siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal caan ah.

Xubnaha sida weyn loo yaqaan liiska Aqalka Sare ku jira waxaa ka mid ah:

1 – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)
2 – Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan)
3 – Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaabsade
4 – Jeneraal Cabdullaahi Siciid Samatar

Madaxweynaha Puntland ayaa soo diyaariyay 44 xubnood oo musharixiin ah, wuxuuna kursi kasta u soo sharxay illaa 4 mudane.

Waxaa ka dhex muuqda Aqalka sare xubno isugu jira saraakiil ciidan oo hore, siyaasiyiin iyo waliba dad kala duwan oo heerarkooda aad u kala duwan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com