Xog: Guuleed, DF iyo Mareykanka oo ku kulmaya xarunta Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku kulmaan Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin ka socta dowlada Mareykanka.

Madxaweyne Guuleed ayaa waxaa kulanka ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan DFS kuwaasi oo Guuleed ku garbin doona dacwada ka dhalatay duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo ee lagu laayay ciidamada Galmudug.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhici doonaa Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana dhanka Mareykanka kaga qeybgali doona kulanka Saraakiil ka tirsan Dowlada Mareykanka oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kulankaani ayaa waxa uu noqonayaa kii labaad oo dhexmara C/kariin Guuleed iyo Saraakiisha ka socta Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka, waxa uuna Guuleed ku gudbin doonaa Kulankaasi cadeymo muujinaaya in duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo lagu dilay ciidamo ka tirsanaa Maamulkiisa.

Kulankaani ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu kasoo baxo natiijo waxaana suuragal ah in maamulka Galmudug lasiiyo lacago magdhaw ah.
Galmudug kama aysan hadal kulankaani waxaana la tilmaamay inuu ahaan doono mid aan Saxafada loo soo bandhigin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com