Sawirro: Reer Puntland oo qalbi furan kusoo dhoweeyey Musharax Jabriil

Garoowe (Caasimada Online) – Caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Jibriil Ibraahim Cabdule oo ah musharax u  tartamaya doorashadda Madaxweynaha Soomaaliya  ee 2016.

Musharaxa oo ka soo kicitimay Magaaladda Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha ee Konooko ee  Garoowe, ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne, Xildhibaano ka tirsan gollaha wakiiladda ee Puntland, siyaasiyiin, Haweenka, dhalinyaradda iyo qaar ka mid ah dadweynaha Caasimadda Garoowe oo ku labisnaa calanka iyo astaanta qaranka Soomaaliyeed.

Musharax Jibriil oo amaankiisa ay sugayeen ciidamadda Booliiska Puntland, ayaa ka mahadceliyay habka iyo hannaanka  ee shacabka caasimadu ay u soo dhaweeyeen.

wuxuu ku tilmaamay Puntland inay tahay halkii ay ka soo unkantay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu u sharaxan yahay inuu hoggaankeeda qabto. waxaa kaloo uu ku sifeeyay inay markasta u taagan tahay raadinta iyo ilaalinta qaranimadda iyo dowlanimadda Soomaaliyeed.

Musharuxu wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay marxalad kala guur marayso, dhibaatooyin tiro badanina ay haystaan. Wuxuuna ballanqaaday haddii uu ku guulaysto doorashadda inuu dalka gaarsiin doono meesha uu maanta uu taagan yahay meel ka wanaagsan, xasiloono, Midnimadii dalka iyo dadkana uu soo celin doono. Horumar ballaaran uu gaarsiin doono

Masuuliyiintii ka hadashay madasha soo dhaweynta Musharax waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne, Xildhibaano , siyaasiyiin iyo madax dhaqameedyo, waxayna dhammantood u sheegeen in uu ku soo dhawaado caasimadda Garoowe, waxayna ku tilmaameen inuu astaan u yahay qaranimo,soomaalino iyo baadigoobkii qarankii soomaaliya oo hogaan wanaagsan aan helin,waxayna uu u rajeeyeen inuu ku guulaysto Madaxweynaha Soomaaliya.

Musharax Jibriil oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan doorashadda Madaxtinimadda Soomaaliya bishii hore, Waxaa uu hore madax uga soo noqday Hay’addii CRD oo arrimaha nabadda, arrimaha bulshadda  iyo horumarinta ka shaqaysa oo fadhigeedu ahaa magaaladda Muqdisho.

whatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-53-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-45-35-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-45-44-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-45-54-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-07-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-14-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-26-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-32-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-42-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-46-47-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-47-03-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-47-11-pmwhatsapp-image-2016-10-06-at-12-47-25-pm

Caasimada Online
Xafiiska Sawirro
Caasimada@live.com