Turkiga oo fashilisay qorsho cusub oo uu damacsanaa Fethullah Gulen

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in wadaadka hantiilaha ah ee ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee dalka Turkiga uu wado qorsho uu kaga baxsanaayo dalka Mareykanka.

Dowladu waxa ay sheegtay in Fethullah Gulen uu ku rajo weyn yahay in dalka uu iminka ku sugan yahay ee Mareykanka uu kaga sii baxsado dalal kale oo uu la furay wadahadal.

Bekir Bozdag oo ah Wasiirka Caddaaladda Turkiga ayaa sheegay in Fethullah Gulen uu la kulmaayo cadaadis badan sidaa darteed uu walaac ka muujiyay in loo soo gacan galsho dowlada Turkiga.

Bekir Bozdag, waxa uu sheegay in wadahadalka Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka uu maraayo heer wanaagsan sidaa darteedna uu uga cabsi qabo in dib loogu celiyo dalkiisa.

Bekir Bozdag, waxa uu sheegay inay suuragal tahay in wadaadkaasi loo soo gacan galsho Turkiga, waxa uuna ku goodiyay in marnaba aysan ka waaban doonin gacan ku dhigistiisa.

Waxa uu sheegay in Fethullah Gulen aysan uga hari doonin dal waliba oo uu u baxsado, waxa uuna wacad ku maray inay soo qaban doonaan xitaa haddii uu gaaro dalal kale.

Dowlada Turkiga ayaa Mr Fethullah Gulen ku eedeysay inuu lahaa fakerka Afganbigii dhicisoobay bishii July, waxa ayna ku adkeysaneysaa in laga soo tarxiilo Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com