Gaas oo fashilada doorashooyinka uga sir waramay Keating (Sawirro)

Garoowe (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ku kulmay Madaxweynaha maamulkaasi C/wali Gaas iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating.

Madxaweyne Gaas iyo Micheal Keating ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, Amniga iyo Siyaasada.

Madaxweyne Gaas ayaa Micheal Keating uga warbixiyay dib u dhacyada ku imaanaya doorashada Somalia iyo caqabadaha lama gudbaanka ah ee ku hareereysan DFS.

Gaas waxa uu Mr Micheal Keating u sheegay inay jiraan caqabado dhowr ah oo ay abuureyso DFS iyo kuwo xaqiiq ah, waxa uuna carab dhabay in dib u dhacyada doorashada ay sabab u yihiin xil kisnimo la’aan ka dhex jirta dowlada.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay soo gunaanaday dhammaan waxyaabihii khuseeyay doorashada, hayeeshee aysan garan karin halka ay howsha ka qasan tahay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay jiraan dhaqaalo xumi yar oo soo foodsaartay dowlada, balse loo baahan yahay in dowladaha Saaxiibada la’ ah Somalia ay arrintaasi garab ka geystaan.

Gaas waxa uu Micheal Keating ugu baaqay inaanu qudhiisa ka jiifan arrimaha doorashooyinka, waxa uuna farta ku goday in loo baahan yahay in fiiro gaara loo yeesho arrimaha doorashooyinka si aanu u dhicin dib u dhacyo kale.

Gaas waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Somalia ay kasoo kabaneyso amni daridii lagu garan jiray, inkastoo uu farta ku goday in Beesha Caalamka looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dhisida ciidamada si ay u xaqiijiyaan amaanka.

Siyaasada ayuu sheegay in iminka ay meel wacan mareyso waxa uuna farta ku goday in Somalia ay iminka dib uga gudbeyso khilaafyada la xiriira Siyaasada.

Micheal Keating wuxuu isna cadeeyey in ay walaac ka qabaan dib u dhac doorasho, isagoo sheegay in si taas looga hortagana ay Wakiilada caalamiga ah soo mareen badi Dowlad Goboleedyada qaarna u harsan yihiin.

Geesta kale, Micheal Keating wuxuu sheegay in looga baahan yahay Hogaamiyaasha Soomaalida iyo Isimada Dhaqanka in ay dhawraan Qoondada Haweenka iyo Dhalinyarada oo kamid ahayd arrimihii horey looga wada hadlay.
gaas-iyo-keating-1

gaas-iyo-keating-2
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com