Xog: Xafiiska R/Wasaaraha oo korontada laga jartay iyo Xasan oo si xun u bah-dilay CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa maanta u baaqday arrin la yaab leh kadib markii xafiiska Ra’iisal wasaaraha laga jartay Korontadii.

Golaha Wasiirada ayaa u tegay xafiiska kadib markii loogu yeeray inay soo xaadiraan shirkoodii toddobaadlaha ahaa, laakiin waxay la kulmeen in xafiiska uu ahaa koronto la’aan.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii shirkadii shidaalka siin jirtay Matoorada xafiiska ay joojisay inay shidaal kale bixiso, taasoo ay ugu wacan tahay in deymo lagu yeeshay xafiiska Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu bixin waayay.

Wasaaradda Maaliyada ayaa hore uga joojiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha kharashkii uu ka qaadan jiray Bankiga Dhexe kadib markii uu amray madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Cumar Cabdirashiid oo jeebka ku shubtay lacag loogu talo-galay in howlaha dowladda lagu socodsiiyo.

Ra’iisal wasaaraha uu arrintan ka carooday ayaan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono, inkastoo xiriirka kala dhaxeeya Madaxweynaha uu sii xumaaday tan iyo markii uu shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com