Xog: Xasan oo mas’uuliyiinta DF iyo musharaxiinta kala dhex dhigay wardoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmahaani danbe uu sii xoogeysanaayey xiriir hoosaadka ka dhexeeya Mas’uuliyiinta ka tirsan DFS iyo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweyne Xassan uu kala fogeynta dhinacyadaasi u adeegsaday dhalinyaro aad u firfircoon oo isaga u nugul.

Dhalinyaradaani oo u badan kuwo dhawaan uu diyaarsaday Xassan Sheekh ayaa waxaa lagu daadiyay Hoteelada magaalada Muqdisho kuwooda ugu mashquulka badan.

Dhalinyaradaani ayaa la sheegay in la siiyay awood u gaar ah, waxa ayna shaqadooda tahay inay xogaha kasoo uruuriyaan kulamada dhexmara Musharaxiinta iyo Mas’uuliyiinta xilalka ka heysa DFS ee sida dhuumashada ah ula kulma musharaxiinta.

Dhalinyaradaani ayaa ka ag dhawaada goobaha ay fadhiisanayaan Mas’uuliyiinta xilka ka heysa DF iyo Musharaxiinta waxa ayna durba xogtaasi u gudbinayaan Madaxtooda.

Mas’uuliyiinta qaar ee ka tirsan dowlada Xassan Sheekh ee uu ku jiro damac Siyaasadeed ayaa dhextaal u noqday Madaxweynaha iyo Musharaxiinta si waji ay uga sameystaan kuwa ku loolamaaya xilka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa walaac gaara ka qaba wada shaqeynta sida hoose u dhexmareysa mas’uuliyiinta xilalka ka heysa dowladiisa iyo Musharaxiin uu ugu horeeyo Sheekh Shariif.

Si kastaba ha ahaatee, Xassan Sheekh oo tallo ay gacantiisa ka baxday ayaa waxa uu caburinayaa kuwa uu xilalka u dhiibtay maadaama qaarkood ay kamid noqon doonaan Baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com