Gaadiid dagaal iyo Ciidamo weli tuban xarunta Dowladda Hoose & Shaqada oo hakat ku jirta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan Koofi casta dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa weli gacanta ku haya Xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa si rasmi ah gacanta ugu haya xarunta maalintii labaad, waxaana meesha laga saaray ciidamadii hore ee halkaa uu ku beeray Guddoomiyaha xilkiisa waayay Taabid.

Ciidamada Koofi casta ee weli gacanta ku haya xarunta ayaa daadsan illaa Bankiga dhexe, aaga Xeebta Curubo iyo sidoo kale nawaaxiga Xarunta dowladda hoose.

Ciidamada Koofi casta ayaa waxaa saaka lagu biiriyay ciidamo kale oo dheeri ah kuwaa oo ka tirsan Hay’adda Booliska oo isku gadaamay dhammaan waddooyinka gala Xarunta.

Shaqada Xarunta dowladda hoose ayaa sidoo kale, hakad ku jirta, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada Koofi guduuda ah ee halkaasi jooga lagu amray inaanu sii deynkarin dadka.

Sidoo kale, dad saaka is ticmaalaayay eeryada xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo diiday mariinka waddooyinka,waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamadan ay si feejigan ugu sugan yihiin xaruntaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilkii si rasmi ah uga qaaday Duqii hore ee Muqdisho iyo Ku xigeenadiisa, wuxuuna magacaabay masuuliyiin cusub oo Gobolka Banaadir ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa qudhiisa Xalay aqbalay xil ka qaadista, waxa uuna dalbaday in ciidamada laga dulqaado xarunta si ay shaqooyinka usii socdaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com