Aqriso fariin qiiro leh oo Faaisa Shiikh ay usoo dirtay Taabit Cabdi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Inkastoo xilku wareegto yahay hadana ma jeclaysan in uu xilkaasi baneeyo Waayo Shaqada uu hayay waxay ahayd mid Bulshada ay ku diirsatay .Anigu weligay Isma oran Qof Madax ka ah Somalia ayaad la kulmaysaa oo weliba wax Kuu qabanaya balse Dhawaca Marku I gaaray waxan galay Mugdi Reerkaygu waxay habeen walba aan indhahooda ka daremayay walwal iyo walbahaar.

Xaalado Adag ka bacdi Muqdisho ayaan imid Hospital ayaan galay mar kale waxba waa laygaga qaban wayay. murugo kale ayaa inoo bilabatay Aniga iyo waalidkayga gaar ahaan Aniga oo ahaa gabar 16 sano jir ah rajana ka lahaa Nolosho iyo in aan wax u qabto waalidkayga .

Farxad ayaa inoo timid maalin ka mid ah maalmaha Waxa kiiskayga loo gudbiyay Duqa Muqdisho Mudane Thapit Labo maalin kadibna waxan helnay jawaab naga farxisa oo ahayd In Gudoomiyaha uu kafaalo qadayo Qarashka igu baxayo.

durba Passapor ayaa waxa loo dalbay Hooyo ,Aabo iyo Aniga aad ayaan u farxay niyada ayaan iska iri ma Dhab baa!!

Waxana ii xigay In Visaha uu amray In Passaporadaaasi lasoo saaro isbuuc kadib waxa nala yiri safar isku diiriya Turkiga ayaad Caafimaad ahaan u aadaysaan . Hooyo iyo Aabo habenkii waxay u seexdeen si raaxo ah oo weliba farxad ku dheehantahay .hooyo inta ay seexan waxay la hadlaysay ehelka oo joogo baadiyaha Buhoodle Dhamaan waxa loo ducaynayay Muqdisho iyo Gudoomiyaha uu Alle nabadyeelo.

Noloshayda waxay yeelatay rajo mar kale Maalintii aan baxaynay Waxa uu nagu yiri “Waxan rabaa adigoo soconayo in aad soo laabato”” .Hooyo iyo Aabana waxa uu ku yiri “”haka walwalina Nolosheeda iyo waxa idinku baxaya inta aad Jogtaan Turkiga .

hada Waxan bilaabay Socod waxan niyaystay Anigo soconayo in aan Muqdisho ku laabto oo aan arko Shaqsigii Rajadaydii Noloshayda dib usoo nooleyay.

Waxa uu i baray In Madaxda Soomaalida ay ku jiraan kuwa damiir leh sida Thapit oo kale .

Muqdisho weligay ma tagin waan ka baqaynay balse markaan aragnay Shacabkeeda iyo Maamulkeeda waxan go,aansaday meel aan iyada ahayn in aan Noloshayda ku qadanayn inkastoo nasiib jiro.

Waxan rajaynayaa Walalka badalay iyo Madaxda kale in ay Faraxad geliyaan oo noloshooda iyo rajadooda dib usoo celiyaan Shacabka kunool xaaladaha adag .

Alle Waxan kaga baryayaa Xilka aad banaysay mid ka sareeyo in uu Rabi Kuu sahli doono Ducadeena ayaa kula jirta Aniga iyo Inta kale Ee aad Turkiga keentay.

Allah ayaa Mahadleh

Nabad ku waar

Faaiso Sh.Maxamed