Gaari ay shaqaalaha DF la socdeen oo la weeraray iyo xubin ka tirsan shaqaalaha BF Soomaaliya oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in caawa xiliga Maqribka halkaa lagu weeraray gaari ay la socdeen dhalinyaro ka tirsan shaqaalaha Dowlada.

Dhalinyaradaan oo ka koobneyd ilaa Afar oo midi ay aheyd Haweeneey ayaa waxaa lagu weeraray Waaxda Horseed ee degmada Waaberi, waxaana weerarka ku dhintay Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ah shaqaalaha Golaha Shacabka, gaar ahaan qeybta Qasnajiga.

Weerarka oo ahaa mid ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado ayaa waxa ay goobjoogayaashu sheegayaan in looga soo baxay laba jiho isla markaana lagu huwiyay rasaasta.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aanan sida uu xaalkiisu yahay.

Weerarka ayaa waxaa ka badbaaday Haweeneyda iyo Darawalka gaariga oo aanay khasaare gaarsiin rasaasta.

Weerarkaan ayaa waxaan weli ka hadal Maamulka Degmada iyo Masuuliyiinta golaha shacabka maadaama ruuxa geeriyooday uu ka tirsana shaqaalaha Golaha shacabka.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maana-booliyo waxa ay sheegayaan in casir liiqii maanta halkaasi lagu dilay mid ka mid ah Ciidanka ilaalada wadooyinka, kaasi oo ay dileen dabley hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com