Xaakimiinta maxkamadda sare oo go’aan ka gaaray xil ka-qaadistii Suleymaan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shir ay maanta yeesheen Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee dalka ayay soo dhaweeyeen magacaabista Guddoomiyaha cusub iyo xil ka qaadista Guddoomiyihii hore.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan lixda Garsoore ee Maxkamadda Sare oo kala;

1. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Maxkamadda sare.

2. Maxamuud Axmed Faarax, Lataliyaha Maxkamadda Sare.

3. Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim “Baardheere”, La taliyaha Maxkamadda Sare.

4. Dr. Cabdinaasir Seeraar Axmed, La taliyaha Maxkamadda Sare.

5. Dr. Cumar Aadan Maxamed, La Taliyaha Maxkamadda Sare.

6. Sheekh Abuukar Cismaan M. Daahir, La Taliyaha Maxakamadda Sare.

Garsoore Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim oo ku hadlayay afka garsooreyaasha Maxkamadda sare ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada Madaxweynaha oo timid xilli loo baahnaa in isbadal dhab ah lagu sameeyo garsoorka.

Garsooraha ayaa intaas ku daray in lasoo dadajiyo dhismaha xubanaha ka dhiman Golaha Adeegga Garsoorka oo wax wayn ka badali doonaa nidaamka garsoorka dalka.

Dr. Cabdinaasir Seeraar oo kulanka keddib hadlay ayaa sheegay in maadaama Garyaan Ibraahim Iidle uu hore u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, haatanna aysan jirin Gole adeeg, waxaa lagama maarmaan ah in hannaankii lagu magacaabay mid lamid ah lagu baddali karo.