Wasiirka waxbarashada oo lagu haysto inuu iibsaday iskuul dowladdu leedahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inuu Iibsaday/Gatay Iskuul Dugsi Hoose iyo dhexe ka kooban oo ay Leedahay Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku yaalo degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Guddiga  Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Shacabka waxay ku sheegeen in Wasiirka nin ay Saaxiibo yihiin oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo C/naasir Maxamed uu ka Iibiyay Iskuulka 20 December ee degmada Waabri sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo Bandhigay Warqad Cabasho ah oo ay la soo wadaageen Waaldiinta, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka la sheegay in la Iibsaday.

Wasiirka ayaa ka badbaaday qorshe ay wateen Guddiga Adeegga Bulshada ee Baarlamaanka oo ku saabsanaa in Golaha Baarlamaanka hortiisa lagu weydiiyo su’aalo ku saabsan eedeyn lagu soo oogay.

Kulankii Baarlamaanka ee 11aad ee kalfadhiga saddexaad ayaa ugu horeyn Guddiga Addeegga Bulshada uu qeybiyey qoraalka ajendaha iyo eedaha loogu yeeray Wasiirka Waxbarashada oo ay ka mid ahayd inuu dhibaatooyin ku hayo dugsiyada Waxbarashada dowladda iyo deeqo waxbarasho oo loo heystay Wasaaradiisa.

Xildhibaanno badan ayaa ka hor yimid u yeerista iyo su’aalo weydiinta Wasiirka Waxbarashada oo fadhiga Baarlamaanka ku sugnaa, waxaana markii danbe cod loo qaaday in Gole joojinta Wasiirka, iyadoo 116 xildhibaan ay diideen in Wasiirka su’aalo la weydiiyo, halka 21 xildhibaan ay ogolaaday ajendaha, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan.

Wasiirka markaas kadib la fasaxay, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu gelayo fasax KMG ah, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga uu dib isugu soo laaban doono.