Casir iyo Carabey oo loo diiday inay madaxtooyada Cadaado galaan iyo xiisad halkaas ka taagan

Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa maanta isku dayay in aay galaan xaruntii uu fadhiyay maamulka Galmudug ee Cadaado, hase ahaatee waa loo diiday in ay galaan.

Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay madaxtooyada Cadaado u diideen madaxdaan garab taageersan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo maalin ka hor Cadaado tagay ayaa dagan guri caadi ah, waxaana laga hor istaagay inay ku shaqeeyaan Madaxtooyada.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa arrintaas, waxaana Xarunta Madaxtooyada Cadaado ka socdo dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada halkaas ka taliyo oo la sheegayo inay hoos tagaan Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Khilaafka Galmudug ayaa mar kale soo cusboonaaday kadib markii Ahlu Sunna Baarlamaanka Galmudug loogu daray ilaa 89 Xildhibaan.

Qaar ka tirsan madaxda Galmudug ayaa ka hor imaaday qaabka Xildhibaanada loogu qeybiyey beelaha daga Deegaanada Maamulkaas, waxaana arrintaas ka dhalatay khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com