Gaari lagu weeraray Gaalkacyo & Ganacsade caan ah oo la dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku weerareen Gaari uu lahaa Ganacsade caan ka ah magaalada Gaalkacyo.

Gaariga ayaa la sheegay inuu watay Ganacsade lagu Cabdullaahi Cismaan Axmed, waxaana weerarkaas sidoo kale ku dhaawacmay qof rayid ah oo la socday.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay inay ku diyaarsanaayen wado mariin u aheyd Ganacsada waxa ayna ka dhextoogteen gaariga, sida ay kusoo waramayaan dad goobjoogayaal ah.

Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay inuu ku dhow dhowaa maamulka Puntland oo mas’uuliyiin kala duwan kala dhexeyn jirtay ganacsi.

Ganacsadahaani ayaa laga toogtay qeybaha sare ee jirka, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Ganacsadaha ay dileen ciidamo ka tirsan maamulka Gaalkacyo dhanka Puntland, halka warar kaasi ka duwana ay sheegayaan in dilka ay fuliyeen maleeshiyaad u firxaday dhanka Galmudug.

Ma jirto jawaab kasoo baxday maamulka Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com