XOG: Shirka Madasha oo laga soo hormariyay xiligii loogu tallo galay inuu qabsoomo +Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lau kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan maamulada dalka ayaa sheegay in la soo hormarin doono shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ee Somalia oo uu qorshuhu ahaa in la qabto Todobada Bishaan.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirka laga soo hormarin doono muddo Seddex cisho ah, iyadoo qorshaha cusub uu yahay in shirka Madashada uu dhaco 4-ta Bishaan, sida aan xogta ku helnay.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu furmo maalinta Axada ah waa haddii uusan dhicin isbedel, waxaana la soo warinayaa in sababtu ay tahay sidii madaxda DFS iyo kuwa Gobolada dalka uga qeybqaadan lahaayen gudashada waajibaadka Xajka, sida aan xogtu ku helnay.

Shirka Madasha ayaa lagu wadaa in lagu dhameystiro waxyaabaha la xiriira doorashada dalka ee iminka u baahan sixitaanka waxa uuna kulankaani ka duwanaan doonaa kulamadii hore.

Shirkaani ayaan qaadan doonin maalmo badan maadaama shirarkii hore lagu xaliyay inta badan arrimaha muranka badan dhaliyay ee ku xeernaa doorashooyinka Qaranka.

Dhinaca kale, shirkaani ayaa waxaa hareer socda cabashooyin ka imaaneysay qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ku aadna in duubabka dhaqankooda la musuqmaasuqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com