Yaa damiin ka ahaa qasnajigii lacagta ka xaday Bankiga Dhexe? (Aqri Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan shaqsigii dhaqaalaha ka xaday Bankiga Dhexe ee dowlada Somalia.

Shaqsiga dhaqaalaha xaday oo lagu magacaabo Muxiyadiin Xasan Santuuni, ayaa la sheegay in sababta ugu weyn ee uu u xaday dhaqaalahaasi ay tahay kadib markii ay geeriyooden labadii mas’uul ee damiinta ka ahaa goortii xilka Qasnajinimo loo magacaabay.

Qasnajiga ayaa muddo farabadan ku howlanaa xadista lacagtaasi, iyadoo markii danbe xadista lacagtaasi ay ku dhalatay kadib markii labadii mas’uul ee damiinta ka aheyd ku kala dhinteen Hoteelada Saxafi iyo Ambassadoor.

Qasnajiga dhaca u geystay Qaranka ayaa waxaa damiin ka ahaa milkiilihii Hoteel Saxafi marxuum C/rashiid Shire Il-qeyte iyo Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne oo isna ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hoteel Ambassador June 1, 2016.

Qasnajiga ayaa dhaca dhaqaalahaasi ku dhiiraday kadib markii ay geeriyooden labadii mas’uul ee damiinta ka ahaa, waana tan keentay in Qasnajiga uu adeegsado maskax intaa la eg.

Qasnajiga boobay hantida Qaranka ayaa xiligii uu geysanaayay dhaca aan laheyn damiin waxa uuna go’aansaday in Qasnada Bankiga uu kala baxo lacag dhan 530,000 oo Dollarka Maraykanka ah.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa afkii juqda gabay kadib markii ay waayen cida damiinta ka ah Qasnajigii dhaca geystay ee lagu magacaabo Muxiyadiin Xasan Santuuni oo iminka ka baxsaday dalka.

Hay’adaha amniga iyo Laamaha Baarista ayaa dabagal ku haya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag cadadaas dhan lagala baxo, inkastoo weli aysan jirin dad loo soo qab qabtay arintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com