Xog: Fadeexad madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku soo baxday oo aad loo hadal hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in fadeexad ay soo foodsaartay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne ku-xigeenka lacago farabadan oo deyn ah looga leeyahay mid kamid ah Hoteelada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kadib markii uu iska bixin waayay lacago lagu soo dalacay.

Milkiilaha Hoteelka Istanbul ee Garoowe oo la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay inuu dacwad ka yahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cameey, waxa uuna sheegay inuu ka meer meeraayo lacago uu ku leeyahay.

Milkiilaha ayaa sheegay in Cameey uu Hotelkiisa Dajiyey wafdi u badnaa Odayaal dhaqmeed, wuxuuna tilmaamay in Wafdiga uu ka gudoomay warqad uu ku saxiixan yahay Cameey sidaana uu hoteelka ku dajiyay.

Wuxuu sheegay in Wafdigaasi Odayaasha ah uu hogaaminaayay Garaad C/rashiid, waxa uuna intaa ku daray in Cameey uu iska moogeysiinaayo bixinta lacagaha lagu leeyahay.

Milkiiluhu waxa uu cadeeyay in lacagta kaga maqan dhanka Madaxweyne ku-xigeenka ay tahay $2,800, wuxuuna sheegay in Xafiiska Cameey laga soo siiyay warqad foojari ah si uu lacagtiisa ugu doonto, hayeeshee ay warqadaasi noqotay mid been abuur ah oo halis galisay naftiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Dacwada milkiilahaani ayaa soo dadajisay Fadeexada Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo deen looga leeyahay goobaha Ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com