Gaari loo rasaaseeyay aano qabiil iyo khasaare nafeed oo ka dhashay (Warbixin)

Cadaado (Caasimadda Online) Maleeshiyo hubeysan ayaa gaari ku rasaaseeyay deegaan hoos taga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro xoog leh.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu waday jaad, iyadoo laba qof ay ku dhimatay halka qof kalana uu dhaawac kasoo gaaray.

Wararka laga helayo deegaanka waxey sidoo kale sheegayaan in weerarka gaarigaan loo geystay ay ka dambeysay aano qabiil, iyadoo ay xusid mudan tahay in muddooyinkii ugu dambeeyay deegaanada gobolka Galgaduud ay ka jirtay arintaan.

Xiisadda aanada qabiil ee sababtay in gaariga la weeraro ayaa wali ka taagan deegaanka Mirocowleed ee hoos taga Cadaado.

Sanadahii ugu dambeeyay dilalka aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada aad ayey ugu bateen gobolka Galgaduud, inkastoo ay jireen dadaalo kasoo horjeeda oo lagu xalinayay dhibaatooyinkaas.