Gaas: “DF Xamar bay ka talisaa,  dalka waxaa maamula dowlad goboleedyada”

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland cabdiweli Maxamed Calo Gaas oo maanta gaaray magaalada garoowe ayaa halkaas kula hadlay saxaafadda, wuxuuna ka hadlay dhawr arrin oo xasaasi ah.

Cabdiweli Gaas oo saxaafadda kula hadlay   Madaxtooyada  Puntland ayaa ugu horeynta ka hadlay arrimo ku saabsan amniga, Puntland, joogistiisii Boosaaso, War-saxaafadeed kasoo baxay madaxda maamullada iyo madasha uu Guddoomiyaha ka yahay, kuwaas oo dowladda usoo jeediyey eedeemo aad u weyn.

Madaxweyne Puntland ayaa ugu horreyn sheegay in  Boosaaso uu ku sugnaa muddo ka badan Bil islamarkaana uu u joogay adkaynta amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isagoo intaas ku daray in Puntland tahay halka kaliya ee kumanaan KM la isaga lugayn karo, taasna uu ALLE ugu mahadnaqaya.

Cabdiweli Gaas ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay inay adkestaan amniga ay heystaan, sidoo kalana ay iska dhiciyaan waxa uu ugu yeeray Argagixiso iyo siyaasiyiin doonayo inay maamulkaas dumiyaan sida uu hadalka u dhigay.

Gaas  oo wax laga weydiiyay in Madashan la mid tahay qab-qablayaashii dalka soo maray islamarkaana carqalad ku yihiin dowladda ayaa yiri:

“Adeer hadalkaas waa hadal meel waayay, Madasha Dastuurka ayay ku qorantahay, Dastuurka maadan akhrin miyaa, Dastuurka ayay ku qorantahay in maamul goboleedyadu samaysan karaan madal ay heshiis ku yihiin, Federaalisimkii dhabta ahaa oo hir-galay weeye.”

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dhexe ay maamusho oo kaliya magaalada Muqdisho, balse dalka intiisa kale ay maamulaan maamul goboleedyadu.

“Adeer dalka Soomaaliya dowlad dhexe kaliya ma xukunto, dowlad dhexe Xamar bay ku koobantahay, dalka dowlad goboleed baa gacanta ku haya mas’uuliyad baana naga saaran, taas ayaana na faraysa inaynaan cidna magan uga noqon cidna aynaan u hoos imaan.” Ayuu yiri Gaas.

Qoraal maanta kasoo baxday madasha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay Madaxweyne Gaas, wuxuuna yiri, “Dhaliil maaha adeer, hada Soomalidu waxay u fadhida murug iyo dhib dhacday, Afar boqol oo qof ayaa dhimatay, intaas qof oo kale ayaa dhaawacantay, marka anagu waxaan ka digaynaa iyadoo taasi jirto in laga shaqeeyo waxaan sax ahayn, waxaana sax ahayn waxa weeye in farogalin lagu sameeyo maamul goboleedyada oo la dhaho hebel baa la ridayaa, hebelka kale ayaa laga tuuraya.”

Gaas ayaa sidoo kale ka digay in la carqaladeeyo maamullada dalka, isagoo ugu baaqay in la baritaaro oo lagawada hadlo wixii dhib ah ee jira. “Dowladda dhexe waxaan u sheegayaa adeer dhib ma jiro.”

Hadaladaan kulul ee kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo waqti ay dowladda Soomaaliya la kulmeyso cadaadis siyaasadeed iyo Musiibadii ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa caqbad ku noqday horusocodka Dowladda uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Khilaafkii ugu horreeyey ee dowladda iyo Maamul Goboleedyada ayaa ka bilowday go’aanka laga qaadan lahaa Khilaafka Dowladaha Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com