Kaalinta shirkadda Hormuud ee gurmadka qarixii Muqdisho oo la bogaadiyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Markii ay Muqdisho la kulanto xaalad musiibo ah waxaan marna la iloobin oo loo mahadceliyaa gurmadka Shirkadda Hormuud

Markii magaalada Muqdisho ay lasoo deristay murugadii weyneyd ee qaraxii Isgoyska Soope 14-kii Oktoobar 2017, ayna boqolaal qof noqdeen wax dhintay, qaar dhaawacmay iyo qeyb maqan waxa kaliya ee loo baahday ayaa ahaa gurmad lagu badbaadiyo nolosha dadka halista ku jiray.

Mid ka mida shirkadaha ka qeyb qaatay gurmadka ee dadku bogaadiyeen waxay ahayd shirkadda Hormuud oo dadka kusoo jiidatay sida ay mar kaliya u garab taagan tahay dadkeeda, ugana qeyb qaadato gargaarka iyo gurmadka.

Hormuud oo ah shirkaddda ugu weyn isgaarsiinta Soomaaliya waxay sanado badan ahayd ilaa haddana tahay samafalaha koowaad ee ugu horeeya gurmadka iyo gargaarka degdega ah, gaadiidka dab damiska ee Shirkadda waxay safka hore uga jiraan badbaadinta dadka iyo hantidooda, iyagoo aan wax shuruud ah ku xiran shaqadooduna tahay samafal, iyagoo jidka u fura in gurmadka uu gaaro goobaha dabku ka kaco.

Dab-damiska iyo gurmadka degdegg ah kuma koobna samafalka Hormuud ee waxay hay’ad gaara u sameysay arrimaha gargaarka, waana Hormuud Foundation oo lacag gaareysa $100,000 u qoondeeysay una qeybisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Magaalada Muqdisho.

Doorka Shirkadda Hormuud waxaa qiray hay’adaha Q/Midoobay oo warbixin ay soo saareen shirkadda Hormuud ku soo daray liiska hay’adaha ka qeyb qaatay isu raadinta iyo xiriirinta howlaha gurmadka qaraxii Muqdisho, iyadoo ku deeqday khadad u gaaray gurmadka degdega ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu bogaadiyay kaalinta shirkadda Hormuud uga jirto howlaha gurmadka iyo samafalka iyo gacantii walaalnimo ee ay ka geysatay iyo taageeradii ay bixisay.

Shirkadda Hormuud waxaa saameyn kasoo gaaray qaraxii Muqdisho, iyadoo ay uga dhaawacmeen guddoomiye ku xigeenka shirkadda iyo dhowr ka mida shaqaalaheeda, waxaa kaloo waxyeelo ka soo gaartay xarun ay ku lahayd agagaarka Soope.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com