C/W Gaas “Inta uu dastuurku yahay mid lagu dul soconaayo caloosheennu maaha mid nadiif ah”!

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas oo habeenimadii xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa waxa uu si gaar ah kala hadlay kalsooni darida uu ka qabo Dastuurka Somalia.

Gaas waxa uu Madaxweynaha u cadeeyay in inta uu sidaa yahay Dastuurka aysan calool fiyoowen, waxa uuna sheegay in kaliya mudada uu xilka hayo faragalin saa’id ah lagu sameeyay taasina aysan ka raali ahaan doonin.

Madaxweyne Xassan ayaa inta uu kulanka socday Gaas u balan qaaday inuu waxbadan ka badeli doono Siyaasada dalka, balse dhankooda looga baahan yahay inay u hogaansamaan awaamirta DF.

Waxa uu soo hadal qaaday Madaxweyne Xassan dhismaha Maamulka G/Dhexe, waxa uuna Puntland ku qanciyay in dhismahaasi ay baahi keentay islamarkaana uusa aheyn mid iyaga lagu faquuqaayo.

Dhanka kale, Puntland ayaa ka hor imaaday Nidaamka lagu dhisaayo G/Dhexe waana tan keentay in Habeenimadii xalay uu fashil muuqda ku imaado kulankii ka dhexeeyay Xassan iyo Gaas.

Shirka Garoowe oo shalay la furay ayaa durbadiiba dhaliyay Khilaafka DF iyo Maamul goboleedka Puntland, waxaana suuragal ah in shirkaasi uu biyo dhiciisu noqdo mid aan miro dhal laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com