Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia oo soo saaray digniin culus oo ah in XAMAR la keenay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya ayaa ka digay lacago been abuur ah oo soo galay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Bashiir Ciise Cali, oo saxaafada kula hadlay gudaha Bangiga ayaa sheegey iney ka warheleen lacago been abuur ah oo magaalada lasoo geliyay.

Gudoomiye Bashiir, aya sheegay in lacagtaasi ay tahay Shilin Soomaali badan oo loo maleynayo in laga keenay gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Si cad gudoomiyaha uma sheegin halka lacagtaasi ay kasoo gashay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, laakiin wuxuu sheegay in lagu qiyaasayo gobolka Bari maadaama ay xog ku heleen in lacagtaasi xoolo lagu soo iibsaday.

Wuxuu digniin u jeediyay ganacsata iyo shacabka Soomaaliya oo ku wajahan ineysan adeegsan lacagtaasi.

Durba lacagtaasi waxaa laga daremay suuqyada Muqdisho, maadaama maalmo ka hor 1 doolar lagu kala sarifan jiray 20 Shilin Soomaaliya waxa hadda uu tagay 22 kun oo sh.Soomaali ah.

Laamaha amaanka, booliska, nabad sugida iyo booliska Interpol ayuu sheegay iney arintaasi baaritaanada ay ka qeyb qaadanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com