“XASAN waa afmiinshaar aan geed ku ganban”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Yacquub Maxamed Cabdalla oo ah Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gaalkacyo oo la hadlaayay Warbaahinta, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu weli wado Afmiinshaarnimo.

Isaga oo ka hadlaayay dhismaha Maamulka G/Dhexe, ayaa waxa uu sheegay inuu yahay mid lagu daandaansanaayo Maamulka Puntland iyo xuduudeeda.

Wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan Maamulka la dhisayo hadii uusan xadgudub ku ahayn Jiritaanka Puntland uuna yahay Maamul ku koobnaan doona Koonfurta Mudug & Galguduud.

Waxaa uu tilmaamay in dhanka amaanka ay iska kaashandoonaan, waxaana intaa uu raaciyay in Gaalkacyo cid qasab ku qaadan karta iyo Waqooyiga Gobolka aysan jirin.

”Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud Manata ayuu Garoowe joogaa Xujaana hortaal hadalkiisa hadaan dhagaystayna waxaa ku tilmaamayaa Afmiisharanimo waxaana weeye in Madaxwaynuhu uu cadeeyo arinta laysku haysto iyadoona horay uu Madaxwaynuhu u yiri Mudug iyo Galguduud ayaa Maamul u smaaynaynaa Maanta waxaa laga rabaa inuu tii hore ka laabto”

Madaxwaynaha Puntland waxaa leeyahay maanta hadii ay la xiisabtamiwaayaan Xasan shiikh Mawqifkiisana cadayn waayo, waxaan la xisaabtamaynaa waa Madaxwaynaha Puntland, iyagaana ku eedoobaya arinta Gobolka.

Ugu dambayntii Bulshada Gaalkacyo ayuu sheegay in hadii Bulshada Gaalkacyo ka waydo danteeda shirka Garoowe inay dawladdooda Puntland kula xisaabtamayaan masuuliyada ay hayaan taas oo ay u dhaarteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com