XIMAN IYO XEEB oo go’aan cusub ka qaadatay…

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si adag kaga jawaabay kala deristii lagu sameeyay gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Suldaan, madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa sheegay in qaar kamid ah saxiixayaasha aysan ku raacsaneyn kala derista Gudiga maadaama ay dhankooda ka mid ahaayeen saxiixayaasha.

Madaxweyne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegay in maamulkooda uusan aqbal saneyn in la kala deri gudiga farsamada oo howlo wanaagsan ka waday magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid ay jeediyeen dad dano gaar ah wata oo kasoo horjeeda in la sameeyo maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xubno saxiixayaal ah oo uu kamid ahaa  Cabdi Xasan Cawaale ayaa shalay sheegay iney kala direen xubnaha gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe.

Waxayna ku eedeeyeen wasaarada arimaha gudaha in faragelin ay ku heyso shaqada gudigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com