Xog: DF SOMALIA oo si qarsoodi ah shirkad uga iibineysa dhulal hanti qaran ah oo ku yaal Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan DF Somalia, gaar ahaan wasaarada arrimaha gudaha, ayaa inoo xaqiijiyay in DF ay si qarsoodi ah u iibineyso dhulal farabadan oo ay horay u laheyd Dowladii Dhexe ee Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in dhulalkaasi ay isugu jiraan Xarumo dowladeed, Saldhigyo iyo goobo la sheegay inay ahaan jireen dalxiiska.

Dhulalkaani ayaa waxaa laga iibinayaa shirkado shisheeye iyo wadamo aan horay dalka ugu laheyn Safaarado.

Qorshahaani ayaa waxaa gadaal ka riixayo Xubno la sheegay inay ka kala tirsan yihiin Aqalka dalka looga arimiyo iyo Gobolka Banaadir, iyadoona ay xogtu sheegeyso in boosaskaasi ay kor u dhaafayaan ilaa 20 oo ku kala yaala gudaha iyo dhinacyada Magaalada Muqdisho.

Waxa ay arrintaani kusoo beegmeysaa, iyadoo mudooyinkaani dambe ay soo badanayeen dadka ka cabanaayo faragalin lagu sameynaayo dhulal ay ku leeyihiin Magaalada iyo banaanka Magaalada Muqdisho, waxaana iminka xiga iibinta dhulalkaani ay leedahay Dowlada.

Dowlada Federaalka ayaa iminka diyaar garoow ugu jirto sidii ay u qaban laheyd doorasho nin iyo codkiisa ah, waxaana taasi barbar socda hanti qaran oo ay ka faa’iideysanayaan shaqsiyaad ka tirsan dowlada ay gabalkeedu sii dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com