23.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Gaas iyo Axmed Madoobe oo shuruud cusub keenay iyo shirkii oo la isku mari la’ yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee u socda madaxda Soomaalida ee ku shiran Muqdisho ayaa weli socda, ayada oo la isku mari la’ yahay islamarkaana aan go’aan aan weli laga gaarin xaaladda Gobolka Banaadir iyo tirada aqalka sare laga siinayo.

Wararka qaaar ayaa sheegaya in la isku mari la’ yahay soo jeedin ku saabsan in Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare 8 xubnood oo 4 ka mida loo qoondeynayo beelaha ugu badan ee degan Muqdisho iyo 4 xubnood oo si siman loogu qoondeeyay beelaha kale.

Puntland iyo Jubaland ayaa diidan in 8 xubnood la siiyo gobolka Banaadir, ayaga oo ka cabsi qaba in tani ay saameyn xooggan ku yeelato mustaqbalka iyo wixii ka baxsan doorashada sanadkan.

Waxay doonayaan in gobolka la siiyo lix xubnood, hase ahaatee waxaa ay shuruud ku xirayaan in xubnaha la siinayo ay iyaga ku lahaadaan xubin, maadaama ay tahay in lagu qeybsado 4.5

Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan maqaamka Muqdisho iyo tirada cusub in lagu darayo tiradii hore ee 54-ka xubnood ku saleysneyd.

Shirka ayaa la filayaa inuu dhaafo caawa saqda dhexe, maadaama Madaxdu aysan wali isla meel dhigin Tirada rasmiga ah uu Aqalka sare ka helayo Gobolka Banaadir iyo sida loo qeybsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News