24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Gaas iyo Guuleed oo Gaalkacyo ku kulmaya (Yaa kale oo ku biiraya?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kuwada kulmaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Labada Madaxweyne maamul Goboleed ayaa halkaasi uga wada hadli doona dagaalada qaatay wakhtiga badan ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee labada maamul u dhexeeya.

kulankan ay wada yeelanayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Maamulka Galmduug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Jubbaland, Golaha Abwaanada iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaan doono Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Goobjoogayaasha ayaa waxaa sidoo kale ka mid noqon doona Taliyayaasha Ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamada ku dagaalamaaya Gaalkacyo, si halkaasi loogu wada heshiisiiyo isla markaana digniino loo kala dhex dhigo.

Labada dhinac ayaa kulankooda waxaa inta badan diirada lagu saari doonaa sidii loo joojin lahaa Dagaalka Gaalkacyo oo ay ku dhinteen dad badan, sidoo kalena ay ku barakaceen.

Docda kale, waxaa halkaasi lagu kala saxiixan doonaa Heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Bosaso kaasi oo uu C/kariin Guuleed uga qeybqaatay khadka Telefoonka.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News