Gaas oo DF ku eedeeyay 2 arrin oo ugu danbeyntii ay dhibaatadeeda dhexleyso

Kismaayo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa turxan bixiyay shirka la filaayo in maanta uu ka furmaayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

C/weli Gaas waxa uu sheegay in shirka uu yahay mid muhiim ah, isla markaana uu aad uga duwan yahay shirarkii hore uga qabsoomi jiray Kismaajo.

Waxa uu tilmaamay in ahmiyada shirka ay qeyb ka tahay in lagu soo bandhigo dal-daloolada dowlada waxa uun farta ku goday inay sii kordheyso khaladaadka dowlada.

“Waxaa nagu sii kordhaaya khaladaadka dowlada waxaanu xaq u leenahay inaanu saxno khaladaadka jira maadaama ay dowladu garan weydo”

Gaas waxa uu sheegay in DFS ay ku eedeynayaan laba arrin oo kala ah faragalin toosa oo ay ku heyso arrimaha doorashooyinka iyo inay isku ifineyso musharaxiinta qaar, waxa uuna cadeeyay in wixii dhiba ka imaada ay dusha saran doonto.

Waxa uu farta ku goday in dhibaatooyinka ay ku kaceyso dowlada ay dhexli doonto natiijadeeda, waxa uuna ka digay faragalin iyo in leysku muujiyo musharaxiin hadda heshiis ah.

Sidoo kale, Gaas ayaa dowlada Somalia uga digay inay wakhti ku lumiso arrimaha maamulada maadaama ay yihiin kuwo dhisan waxa uuna taa bedelkeeda soo jeediyay in wakhti la galiyo dhinacyada kale ee shaqooyinka u baahan.

Haddalka Gaas ayaa imaanaya xili dowlada Somalia lagu eedeeyay inay wadato musharaxiin gaara oo u tartamaaya doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com