Gaas oo hal qorsho ka damacsan isku shaandheynta wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Isku shaandheynta C/wali Gaas ayaa saameyn doonta seddex meelood hal meel oo kamid ah Golihiisa waxaana lagu wadaa in isku shaandheyntaasi ay dhawaan dhacdo.

Qorshaha ugu weyn ee C/wali Gaas uu ka damacsan yahay isku shaandheynta ayaa ah sida xubnaha ku jira xukuumadda ee ay isku dhowyihiin uga soo muuqan lahaayeen aqalka sarre ee Baarlamaanka Somalia.

C/wali Gaas oo qorshahaasi ka duulaaya ayaa iminka magaalada Garoowe ka wada wadatashi ku aadan xubnaha uu ka casili doono Xukuumadiisa, isla markaana ku biiri doona aqalka sare ee Baarlamaanka.

Gaas ayaa isaga si gaar ah u wata tirro mas’uuliyiin ah, waxa uuna sidoo kale degay qorsho ah in booska uu ka casilo Wasiirada xukuumadiisa uu u magacaabo xubno kale oo qorbajoog ahm kuwaasi oo qaarkood iminka ku sugan magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Isbadalka ka dhacaya dhawaan Somalia ayuu doonaya madaxweynaha inay ka soo muuqdan siyaasiyinta Puntland.

Dhinaca kale, waxaan la ogeyn xiliga uu madaxweynaha sameynayo wax ka badalka xukuumadda,waxaase wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan la-tashiyada madaxweynaha ee ku aadan isbadalka xukuumadda inuu gabogabo marayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com