Carab Soomaali oo ka cabaneysa hal arrin & eedeyn loo jeediyey DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo qeylo dhaan badan ay muujinayeen  qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa manta qeylo dhaantii ugu dareyd ee dhanka kuraasta aqalka sare waxaa muujiyay Beelaha Carbeed ee daga Soomaaliya.

Xubno kamid ah haweenka iyo raga Carab Soomaali ayaa qeylo dhaan ka muujiyay in maamulada qaar aysan ku laheyn xitaa hal kursi, halka dowlada dhexana sanadkaan aysan ka helin wax kursi ah.

Baarliin Camuud oo kamid ah beesha Carab Soomaali oo ka hadashay kulan manta Muqdisho ay ku yeesheen ayaa ka sheekeysan dhibaatada ay qabaan iyo waxyaabaha ay tabanayaan.

“Hadda waxaa la dhisayaa aqalka sare Banaadiriga waxaa la siiyay labo xubnood oo kaliya, waxaan rabnaa in kursiga Banaadiriga aan hal ka helnaa, waa mid aan ku rajo weynahay inaan helno, Haddii aan nahay Carab Soomaaliya in xuquuqihii badnaa ee nala duudsiiyay in hadda aan nala duudsiin xaqeena”.ayay tiri Baarliin.

Sidoo kale Baarliin waxay sheegtay in deegaano badan ay ka dagaan Soomaaliya balse ay ku qadeen markii la dhisayay baarlamaanada maamul goboleedyada, waxayna sheegtay in kaliya hal kursi ay ka heleen koofur galbeed.

Hadda oo ay socoto dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegtay iney doonayaan in xaqooda la siiyo maadaama degmooyin badan ay ka dagaan.

“Carab waa al og yahay tiradooda iyo cudadooda, Waxaan degnaa Jowhar, Beledweyne, Buulo Burde , Mahadaay iyo Jalalaqsiba, waxaan leenahay yaan xaaraanta la qaadan oo hanala siiyo xaqeena, Jubbaland waxba kama aanan helin, Koofur Galbeed sidoo kale, laakiin hal kursi ayaan ka helnay, waana xaq daro”ayay sii raacisay hadalkeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com