Xog: Xasan Sheekh oo qeybinaya gaadiidkii loogu deeqay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, oo iminka ku guda jira ololihiisa doorasho ayaa bilaabay in Hantida Qaranka uu u adeegsado ololihiisa.

Madaxweynaha oo kulamo kala duwan la qaadanaaya dhinacyada ay ka go’do codeyntiisa ayaa waxa uu kasbashadooda u isticmaalayaa Hantida isaga oo ku abaalmarinaaya gaadiidka dnawaan loogu deeqay dowlada.

Dadka uu Xassan Sheekh siinaayo gaadiidka dowlada ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaal iyo Siyaasiyiin miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia.

Odayaasha qaar ayaa kamid ah dhinacyada ku howlan xulista Xildhibaanada cusub, waxa uuna xusul duub ugu jiraa sida uu Odayaasha uga heli lahaa ballanqaadyo suuragalinkara in Xildhibaanada ay keeni doonaan ay Xassan codka ugu shubaan.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta uu Xassan Sheekh ku abaalmarinaayo gaadiidka dowlada keydka ugu jira ayaa ugu badan kuwa galaangalka ku dhex leh Siyaasada dalka ka taagan.

Gaadiidka uu Xassan Sheekh kalsoonida uga raadsanaayo Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ayaa u badan noocyada raaxada iyo kuwa loo yaqaan Toyota helux.

Qaarkood ayaa la sheegay inuu u saxiixay warqado uu ku cadeynaayo in gaadiid ay ka qaadan karaan Garaashyo gaar ah oo ay dowladu ka qaadato gaadiidka dhifka ah.

Tani ayaa qeyb ka noqoneysa ku tagri falka Hantida Qaranka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xassan uu inta badan dhaqaalaha keydka u ah dowlada u isticmaalay danihiisa gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com