Gaas oo ku dhawaaqay go’aan la xiriira dekedda Boosaaso iyo falkii…

Boosaaso (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in go’aankiisa uu yahay inaan marnaba la hakin doonin dhismaha dekadda Boosaaso.

Hadalkiisa ayaa yimid xili weli ganacsatada iyo dowladda isku mari la’yihiin kordhinta khidmadaha dekedda oo la sheegay inay samaysay shirkadda P&O oo dhowan lagu wareejiyay dekedda.

Dhinaca kale, Gaas ayaa ka hadlay askari toddobaadkii hore gabar ku kufsaday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Askariga ayaa la sheegay in uu kufsaday gabadhaasi oo 16 jir ahayd, ka dibna uu rasaas la dhacay, ka hor intii aanu ka cararin magaalada Boosaaso.

Hogaamiye Gaas, ayaa sheegay in ninka falkaasi sameeyay la horgeyn doono cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Waxa uu Gaas cadeeyay in mowqifkooda uu yahay in ninkaasi la mariyo wixii uga soo baxa sharciga xumaan iyo wanaag, iyadoo la maraayo nidaamka jira.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Ninka tacadigaa sameeyay sharciga in la horkeeno weeye. Puntland sharci iyo nidaam baa ka jira, marka cadaalad iyo nidaam ayaa la waafajinayaa, dembiga uu gaystayna waa uu ka jawaabayaa”

Gaas, ayaa bogaadiyay kaalinta Jubbaland ee ku aadan soo qabashada ninkaasi, isagoo intaa ku daray in Hogaamiyaha Jubbaland ay ka wada hadleen arrintaasi.

”Waa ku mahadsan yihiin Dowladda Jubbaland iyo dadkeeda, doorkii ay ka qaateen arrintaa iyada ah. Madaxweynaha Jubbaland waa wada soconay, waana ka wada hadleynay.” Ayuu yiri Gaas.

Haddalka Gaas, ayaa kusoo beegmaaya xili dhacdadaani ay noqotay mid dhalisay hadal heyn, maadaama ay Puntland saaxiib u noqotay kufsi aan ciqaab laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com