Gaas oo weerar ku qaaday Muuse Biixi – “Horey ayuu dad badan ugu laayey Hargeysa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Gaas oo wareysi gaar ah siiyay Universal TV ayaa si adag uga hadlay xaaladda haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dr. Cabdiwel Gaas ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq shacab uu ka dhacay magaaladaas, kadib markii ay Somaliland awood u adeegsatay shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah u weeraray madaxweyne Biixi, isaga oo ku eedeeyay inuu horay dad shacab ahaa oo dhigayay dibadbax nabadeed uu ugu laayay Hargeysa.

“Meeshaas waxaa ka dhacay xasuuq shacbi ogow madaxweyne Muuse Biixi shalay sidoo kale dad si nabad ah u banaanbaxayey oo lahaa doorashaa rabnaa ayuu magaalada Hargeysa ku leynayey. Marka Soomaalida waxa ay tiraahdaa nin hooyadii dilay aayadii har uma jeedo,” ayuu yiri siyaasiga caanka ee Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Waxa kale oo uu tilmaamay in reer Laascaanood beegsi lagu hayey muddo 15 sanno ah, islamarkaana la dilayey dadka u ah haldoorka, taasina ay keentay kacdoonka socdo.

‘Dadkaas dhib weyn ayaa muddo heystay 15 sano ayaa dadka labeentooda ah la dilayey cidbaana sheeganeysay inay mas’uul ka tahay dhulkaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay haboon tahay in rabitaankooda loo daayo shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, si ay go’aan uga gaaraan masiirkooda.

“Arrinta Sool, Sanaag iyo Ceyn fikirgeyga waa weeye dadkaas masiirkooda, ayaga ayaa u madax banaan, haddi ay rabaan dowlad goboleed gaar ah ha noqdaan, haddii kale ciddii ay rabaan haku biiraan, haddii ay rabaan ha hoos yimaadaan dowladda dhexe” ayuu sii yiri.

Horey guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo aan si aan li fileyn uga hadlay arrinta Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay ciidamo u adeegsatay shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caburin iyo xoog aan xalku ku jirin balse loo baahanyahay in xukuumadda ay la timaado qorshe ay wax kaga qabanayso xaaladda Laascaanood.

“Waa howl masuuliyadeeda ay leedahay xukuumadu waana shaqadii loo igmaday madaxweynaha iyo xukuumadiisa, laamaheeda amniga, wasaarada arrimaha guddaha, taliska ciidanka booliiska, sirdoonka, waxa laga rabaa in ay waxkasta oo ka dhacaya ay iyagu wax ka qabtaan” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland,.