SOMALILAND oo ciidamo horleh geysay Laascaanood iyo barakac ka billowday

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli cirka ku shareeran xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ku dhawaad 10 maalmood ay rabshado ka socdaan, kadib markii dilal aan la garaneyn cidda geysata ay magaalada joogto ka noqdeen.

Cabdikariin Olol waa Weriye ka tirsan Idaacadda VOA, wuxuuna ku sugan yahay Laascaanood, isagoo ka warbixinayey xaaladda magaalada ayaa wuxuu sheegay in magaalada laga qaxay oo dadku ay banaanka magaalada deegaameysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay ciidan militeri ah oo aad u badan soo dhoobtay jidadka magaalada, taas oo shacabka u suurta-geli weysay inay sii wadaan dibad-baxyada oo joogsaday labadii maalmood ee u dambeysay.

Weriyahaan ku sugan Laascaanood wuxuu sheegay in xiisadaan ay wada saameysay guud ahaan gobolka Sool, “Xaaladda taagan cabsi badan ayey dadka ku abuurtay, gaadiid badan oo dadka qaxinaya ayaa magaalada lagu dhex arkayaa, wax ganacsi ahna ma socdaan,” ayuu yiri.

Isgaarsiinta magaalada ayuu sheegay in mararka qaar hawada laga saarayo, iyadoo lacagaha laga isticmaalo gobolkaas ay yihiin kaliya kuwa danabeysan ee taleefoonada la isaga diro.

Somaliland ayaa guud ahaanba internetka ka jartay gobolka Sool, waxaana maalin isgaarsiin la’aan ah kadib dadka loo fasaxay ku hadalka iyo lacag dirista taleefoonada oo kaliya, taas oo ka dhigan in ilaa hadda gobolka Sool uusan internet ka shaqeyn.

Ganacsigii magaalada ayaa xirmay, sida uu sheegay weriyahaan, waxaana aad u yar dadka lagu arkayo gudaha magaalada Laascaanood, iyadoo dariiq kasta ay askar militeri ah soo dhoobtay Somaliland.

Gaadiidka qoysaska qaxinaya qaar ayaa ka imaanaya gobollo kale, taas oo muujineysa baaxadda barakaca la socda Laascaanood, xiisadaan ayaa salka ku heysa ku qanacsanaan la’aan maamul oo dadka magaaladu ay qabaan, kadib markii Somaliland ay wax ka qaba weysay dalilka ku socda haldoorka magaaladaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Weriye Cabdikariin Olol oo Laascaanood ku sugan: