Gaas oo xannibaad saaray Dr. Cali Ciise iyo siyaasiga oo mangal galay Faroole

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu laamaha aminiga ku amray in si dhaw loola socdo oo la xadido dhaqdhaqaaqa siyaasi Dr Cali Ciise Cabdi oo shalay gaaray Puntland.

Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa la filayaa in uu ku biiro musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee Puntland.

Warbixinada waxa ay intaas ku daraayaan in Cali Ciise ku adkaatay la kulanka xildhibaanada cusub, xilli uu xalay ku hoyday guriga madaxweynahihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.

Sida uu xildhibaan codsaday in aan magaciisa la xusin u sheegay Caasimada Online, waxyaabaha la faray laamaha amniga waxaa ka mid ah in Dr. Cali Ciise Cabdi si dhaw loola socdo waxyaabaha uu qabanayo, kulamada uu sameyno si ay ugu adkaato in uu sameeyo ol’olihiisa doorasho.

Caasimada Online waxa ay sidoo kale heleysaa warar sheegaya in Dr. Cali Ciise u baqay naftiisa oo uu bedelay hoygii uu markii hore qorsheystay in uu dago, kaas oo ahaa guriga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dr. Cali Ciise waxa uu hadda dagay guriga Faroole oo uu ka dhigan doono saldhigiisa si uu uga badbaado shirqool iyo in lagu handado Garowe.

Cali Ciise Cabdi waa siyaasi saameyn badan oo ruxay ol’oleha doorasho ee Garowe taas oo soo keentay in uu Gaas bedelo qorsheyaashiisii hore.

Puntland waxa ay maanta soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso in madaxda dowladda Federal-ka ay ku soo galaan Garowe inta ay doorashada socoto.

Dadka qoraalka lagu xusay in aysan Puntland imaan karin waxaa ka mid ah Wasiiraro, shaqaalaha Villa Somalia, shaqaalaha rayidka ah iyo dhammaan dadka ku lugta ah dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com