Jeesow: Xildhibaan wuxuu rabaa inuu wasiir noqdo hal sabab darteed (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee taageersan dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay kulankii baarlamaanka ayaa soo jeediyay su’aalo loo baahan yahay in wasaaradda maaliyadda ay ka jawaabto.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xasilooni Siyaasadeed, waxaana uu sheegay in wasiir ku xigeenada ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ay qaataan 7,200 oo doolar.

Isaga oo sii hadlayay wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka aysan heysan dhaqaalo badan oo ay ugu laaban karaan deegaan doorashadooda “Halkey matalaan”, balse wasiir ku xigeenada ay qaataan dhaqaalo badan.

Sidoo kale wasiirka ayuu sheegay in ka lacag badan yahay wasiir ku xigeenka ayna u dheer tahay lacagta lagu dhaqaajiyo howlaha wasaaradda “Running Cost”, oo gacanta u gasha, taasi oo sababtay in dhamaan xubnaha baarlamaanka ay raadiyaan xilka wasiir ama ku xigeen.

“Maxaa miisaaniyadda loogu dari waayay lacago xildhibaanada u fududeynayo dib ugu laabashada deegaanada ay matalaan, Waxaa jiro Wasiir ku xigeen qaata 7200 $ Wasiirkana wuu kasii badan yahay, nin wasiir ku xigeen oo halkaan ila fadhiya oo lacagtaas qaadanaya iyo xildhibaan weysay lacag uu deegaan doorashadiisa ugu laabto, maxay tahay deganaanshada siyaasadeed ee la raadinayo, nin walbaa wasiir ayuu raadinooyaa baarlamaankii oo dhane”ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalkiisa ayaa u muuqda mid uu ku cadeynayo kala sareynta mushaaradka xildhibaanada iyo wasiirada, taasi oo abuureyso in xildhibaan walbaa uu raadiyo xil wasiireed si uu dhaqaalo badan u helo.

Arrinta labaad ee uu su’aasha ka keenay xildhibaanka  ayaa ah ansixinta Mashaariicda tirada badan oo baarlamaanka ay asixiyeen balse aysan jirin ilaa iyo hadda mashruuc muuqda oo Soomaaliya laga fuliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com