25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Gaas oo xildhibaanada Daarood u goodiyey iyo mowqif la qaatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan BFS, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu kulan albaabada u xiran yahay la qaatay Xildhibaanada Beesha Daarood ugu jira BFS.

Kulanka ayaa la soo warinayaa in mudada uu socday C/wali Gaas ku hanjabay in Xildhibaankii taageera wax ka bedelka Heshiiska uusan kamid noqon doonin Baarlamaanka cusub ee soo socda.

Gaas waxa uu sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in wakhtiga la joogo ay Siyaasad ahaan kusoo feelaan maamulada Puntland iyo Jubbaland, Xildhibaankii gooni isu taagana ay ka tashan doonaan.

C/wali Gaas waxa uu sidoo kale, Xildhibaanada ku wargaliyay inaan iska lumin fursada maadaama wakhtiga Dowlada Xassan Sheekh u harsan uu yahay mid aad u yar.

“Cidii raja ka leh Baarlamaanka soo socda waxaan ka dooneynaa inuu ka tallo qaato maamulada dhisan, Xildhibaankii aan u hogaansamin isaga ayay khuseysaa”.

Gaas waxa uu sidoo kale ku caga jugleeyay inaan marnaba aysan qaadan doonin in wax laga bedelo Heshiiska, balse cidii iska faquuqda Beesha Daarood ay si gaar ula xisaabtami doonaan.

Haddalka iyo Hanjabaada C/wali Gaas, ayaa imaaneysa xili Puntland iyo Jubbaland ay la ciirciirayaan carro ay ka qaaden dib usoo nooleynta awooda Gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News