“GAAS wuxuu teleefoon ku wareeriyey R/W Cabdi Weli kaddib geeridii SAADO, ceeb ayaana ka dhacday” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay intii lagu jiray aaska AUN Xildhibaanad Saado Cali in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu qaati ka istaagay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo xiriir uu la soo sameeyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh ka dalbaday in meydka Marxuumada la geeyo Garoowe.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa arrintaas ku gacan seyray una sheegay Gaas in dalabkiisa yahay mid laga naxo, sida uu sheegay Xildhibaankan oo codsaday in magaciisa aan la xusin, oo la hadlay Caasimada Online.

Waxagarad Soomaali ah oo ku dhaqan gudaha & dibedda dalka oo ay ku jiraan fannaaniin iyo aqoonyahanno u waramayey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ku tilmaamay dariiq qodxa badan oo Soomaali lagu sii kala fogeynaya in haddii mas’uul kasta oo Dowladda ka tirsan ama bulshadda dhexdeeda magac ku leh marka uu dhinto in shaqsiyaad aan xil kas aheyn oo ay dhici karto in aysan wax aqoon ah u laheyn muddadii uu noolaa in ay qaab qabiil ah ku sheegtaan.

“Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas Dowladdii oo mashquul ku ah aaskii marxuumada ayuu taleefan ku wareeriyey Cabdi Weli ilaa markii dambe la yiri war naga daa taleefanka badan. Cabdiweli Gaas markii uu ku hungoobay sidii uu rabay, ayay kala carareen Puntland oo diyaarad raadsadeen waxeeyna yimaadeen Muqdisho mar duugtii lagu soo kala tegay” Ayuu yiri Xildhibaankaas, wuxuuna intaasi sii raaciyey in Puntland muddooyinkan dambe ay caadeysatay in ay soo qaadato durbaan qabiil.

“Puntland waxey tiri Guddi baaritaan ayaan soo dirnay, waa waa wax iyaga ku kooban waxey doonayaan in la sii qaad-qaado sheekadooda, dowladdu wax aan jirin ayey ka soo qaaday sidaas ayaana u kheyr rooneed” ayuu yiri Xildhibaanka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com