XOG: VILLA SOMALIA maxaa ka dhacay oo aadan maqlin (DAAWO SAWIRRADA)

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo Dowlad Goboleedka Puntland laba maalin ka hor ay Wafdi heer wasiiro ah usoo dirtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay ay Madaxtooyada Somalia kulamo kula qaateen Madaxda dalka oo ay ugu horeeyan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Dalka.

Wafdiga ay Dowlad Goboleedka Puntland usoo dirtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka koobnaa 8 Wasiir oo ay wehliyaan Odayaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Puntland, waxa ayna Xalay Madaxweynaha Somalia u sheegen in DFS ay meel saarto Dilka Saado Cali Warsame.

Wafdiga oo iyagu ka careysnaa dilalkii horay loogu geystay Xildhibaanada Xeyd iyo Faisal ayaa waxaa hadana u Sedexeeyay dilkii Saado Cali Warsame, waxa ayna warar hoose sheegayaan in Wasiirada iyo Odayaasha ay Dilkaasi ku eedeeyen in DFS ay ka gaabisay sugidda amniga xildhibaanadda kasoo jeeda Puntland, sida ay hadalka u dhigeen.

Diblumaasi ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirada iyo Odayaasha ka socda Puntland ay Habeennimadii xalay Xassan Sheekh ka codsadeen in loo soo gacan geliyo raggii dilay Saado Cali Warsame.

Diplumaasiga ayaa waxa uu intaa hadalkiisa sii raaciyay in Wafdiga ka socda Puntland ay Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli ku eedeeyen in dilalka loo geysanaayo Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland caadi ka noqotay Xamar.

Sidoo kale, C/weli Xeri oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxuu sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen in baaritaan lagu sameeyo dilka allaha u naxariistee Xildhibaanada Saado Cali Warsame.

Wasiir C/weli Xeri Cabdulle Garaase, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in Madaxweynaha ay xasuusiyeen dilkii Xildhibaan Feysal iyo Xeyd oo midi lagu dilay Afafka hore Madaxtooyada halka Xildhibaan Xeyd-na lagu dilay meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooyada.

pl1pl2pl4pl5pl6

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com