Wararkii ugu dambeeyay DAGAALLO ka socda Sh/hoose (H/Gidir vs Biyomaal)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaallo dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose wuxuuna u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-Gidir.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho si halkaas loogu daweeyo.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa daba socda dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay gobalka kuwaasoo u dhexeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isku dayday in ay joojiso dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose balse waxay u muuqataa mid ku guul-darreesatay.

Dhinaca kale, maamulka gobalka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa isna sheegay in dagaalkan uu soo noqnoqday dowladdana ay maaro u la’dahay in ay joojiso.

Guddoomiyaha ayaa xusay in

Ma jirto wax war ah oo ka soo maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo dhinacyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, dad badan ayaa aaminsan in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ku lug lee yihiin qabiilo kale, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan labada golle ee dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com