Gabadha Soomaalida ah ee afduubka saaxiibteed loo haysto oo lasii daayey

Nairobi (Caasimada Online) – Eedeysanayaasha loo heysto kiiskii afduubka ahaa ee lagula kacay haweeney Soomaaliyeed oo gacansato aheyd oo lagu magacaabo Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa maanta waxay maxkamadda ku taala Nairobi kusii deysay damaanad, sida ay daabaceen wargeysada Kenya.

Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu oo ah eedeysanayaash loo haysto kiiska afduubka ah ee Xafsa Luqmaan ayaa markii ay maxkamadda kusii deysay damaanada ku amartay inaysan wax xiriir ah la sameyn karin dhibanaha iyo markhaatiyaasha kiiska.

Xafsa Maxamed Luqmaan, oo ah haweeney ganacsato Soomaali ah oo 23 jir ah oo la la’aa muddo shan maalmood ayaa hore u shaacisay in Gabarta ay saaxiibada ahaayeen ay ka dambeysay afduubkii loo geystay, midaasi oo keentay in la xiro Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu, oo asagu la rumeysan yahay inuu gacan weyn kulaha falkaas.

Labada eedeysane ayaa hore iskaga fogeeyay dacwada loo haysto, kadib markii lagu soo oogay dacwada afduubka, balse ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay in damaanad lagu sii daayo eedeysanayaasha halista geliyey nolosha Xafsa Maxamed Luqmaan, inkasta oo ay weli socota dacwada kiiskaas.

Waxaa la rumeysan yahay inta dacwada kiiska afduubka ah ay banaanka joogi doonaan labada eedeysane, ayaga oo la xadiday socodkooda iyo la kulanka dadyowga qaarkooda.

Xafsa Luqmaan ayaa wareysi hore u siisay Wargeyska The Standard ee dalka Kenya, ku sheegtay in haweeneydaas oo lagu qabtay xaafadda Kinangop ee lagu magacaabo Xafsa Cabdi iyo ninka lala qabtay ay ahaayeen maskadii ka dambeysay afduubkii iyo jirdilkii loo geystay.

“Waxay ahayd gabar aan saaxiibo nahay, inkasta oo aysan aheyn qof aan aad isugu dhow nahay balse iyadaa ka dambeysay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo uu ku yaal dukaankeeda kale, ”ayay tiri Xafsa Luqmaan.

Saacado ka hor inta aan la soo sheegin afduubkeeda, duubista kaamirooyinka ilaalada ee dukaankeeda kabaha, ayaa muujisay inay Xafsa Luqmaan soo gashay dukaanka saacadda markay aheyd 4:44 pm Talaadadii ay taariikhdu aheyd 15 June.

Xafsa Luqmaan, oo hada kasoo kabaneysa dhibaatadii loo geystay, ayaa waxay Xafsa Cabdi ku baratay magaalada Kaliforniya, Waxayna deris la ahayd goobta shaqada ee ay ku iibiso qaraha.

Xafsa ayaa xustay inay aad isku jeclaayeen iyada iyo saaxiibteeda iyadoo ku dartay xitaa inay deen ahaan u siisay in ka badan 700,000 oo lacagta Kenya ay si ay ugu maalgashato ganacsigeeda qudaarta.

“Waan ku kalsoonaa iyada had iyo jeerna way ila joogi jirtay markay ii baahan tahay. Kaliya waxaan rabaa in cadaaladda la marsiiyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay in la xiray” ayay tiri.

Xafsa Maxamed waxaa boolisku soo badbaadiyeen maalin Axadda oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Juun.

Baarayaasha dambiyada ayaa xiligaas xiray labada eedeysane oo kala ah Jackson Njogu oo 24 jir ah iyo Xafsa Cabdi oo 21 jir ah oo loo heysto afduubka iyo jirdilka loo geystay Xafsa Luqmaan.

Labada eedeysane ayaa waxaa xiligaas laga soo qabtay halka loo yaqaan Crystal View Lodge oo ku taal nawaaxiga deegaanka Kinangop oo ay ku dhuumaleysanayeen.