Daawo: Puntland oo xukun dil ku fulineysa 8 qof oo kale

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 8 dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ahaayeen shabakad ka tirsan Al-shabaab oo dilalka madax-jabinta iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kadib dhegeysiga gar-maqalka dacwadda loo haysto 8-da xukmane, oo ka dhacday xarunta Maxkamadda ee magaalada Gaalkacyo ayuu garsoorku ku dhawaaqay in dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dadka la xukumay ay heystaan 30 cisho oo racfaan ay ku qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyeen dilal madax-jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

Dhawaan ayay aheyd markii Puntland ay dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.

Kooxdaan Al-Shabaab oo iyadana ka jawaabeysay xukunka dilka ah ee lagu fuliyey 21-ka ayaa koonfurta Soomaaliya ku toogatay 24 qof oo dhallinyaro u badan oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonada Mareykanka iyo Soomaaliya.

Hoos ka Daawo maxkamadeyntii maanta ee 8-da nin