Taliyihii Booliska gobolka Shabeelaha Hoose oo ku geeriyooday MUQDISHO

Muqdishp (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ku geeriyooday taliyihii qeybta Booliska eee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lagu magacaabi jiray, Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris.

Marxuumka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho oo loo keenay xaalado caafimaad, isaga oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday gudaha Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa looga hadlay geerida ku timid Marxuum Muuse Cabdulqaadir Idiris, waxaana si gaar ah qoraalkan tacsi loogu diray ehellada marxuumka, Booliska & guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed waxuu ehelka iyo ciidanka boliiska ugu tacsiyeenaa geerida naxdinta lahayd ee ku timid Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir oo ahaa Taliyaha Qeybta Shabeelaha Hoose oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska Booliska ayaa waxaa lagu sheegay inuu marxuumka khabiir sare oo lasoo shaqeeyey Booliska dalka iyo kuwa caalamiga ah.

AUN Gaashaanle Sare Muuse Cabdulqaadir Idiris ayaa sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay ciidamada Booliska, gaar ahaan hoggaanka Interpol, sida uu shaaciyey talisku.

“Col Muuse waxuu ahaa khabiir dhanka shuruucda boliiska dalka iyo caalamiga asigoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka boliiska gaar ahaan hoggaanka Interpol”.

Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii Booliska ee gobolkaasi, kaas oo inta uu noolaa wax badan ka qabtay amniga gobolka.